Waxay ahayd 28-kii Abriil 1967, wax yar ka hor siddeeddii subaxnimo ayuu feeryahan Muxammad Cali yimid xarun lagu tababaro ciidammada Mareykanka
Waxay ahayd 28-kii Abriil 1967, wax yar ka hor siddeeddii subaxnimo ayuu feeryahan Muxammad Cali yimid xarun lagu tababaro ciidammada Mareykanka.
Xilligaas dagaalkii Vietnam ayaa waxa uu marayay meel adag waxaana lagu dilay boqolaal askari oo Maraykan ah. Intaa kaliya kuma eka ee dad careysan ayaa gubayay warqadaha loo diray ciidamada Mareykanka, iyadoo dad badan oo ka soo horjeeday askareynta ay sidoo kale u qaxayeen Canada.
Feeryahan Muxamed Cali ayaan wax niyad ah u hayn in uu u baxsado Kanada, mana uusan jeclayn in uu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka.
Laba sano ka hor xilligaas, Muxammad Cali waxa uu waraysi uu kaga hadlay dagaalka ka socda Vietnam ku yiri “damiirkaygu ma ogola in aan toogto walaalaheyga masaakiinta ah iyo kuwa gaajeysan ee midabka qamadiga leh ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Maraykanka awooda badan”.
Oo maxaan u toogtaa iyaga? Weligood nigger iguma aysan yeerin, weligood ima garaacin, weligood igama tegin eey, weligood igama qaadin jinsiyadda, weligood hooyaday ma kufsan, weligood aabbahay ma dilin. Maxaan u toogtaa iyaga? Sideen u toogtaa masaakiinta? Badalkii taas aan sameyn lahaa xabsiga i gee.
Laakin labo sano ka dib wareysigiisii, ninka feerka ku caanbaxay ayaa tagsi ku yimid xarun ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin isagoo ku labisan dharka buluugga ah ayna ku hareereysan yihiin wariyayaal.
Muxamed Cali waxa uu taagnaa bannaanka hore ee xarun ay ciidamada Maraykanku leeyihiin ka dib weriye ciyaaraha caan ku ahaa ayaa soo hor dhigay makarafoonka oo weydiiyey waxa uu samaynayo.
Muxammad Cali oo kaamirada horteeda ku dhoola cadeynaya, ayaa yiri: 'Faallo maya.'

Muxamed Cali oo markaas mar u dhow qaatay qaatay diinta Islaamka ayaa galay xarunta ciidamada Maraykanka ee Houston. Maxamed Cali ayaa loogu yeeray magaca 'Cassis Clay' laakiin magacan markuu maqlay kama uu falcelinin, mana soo bixin.
Sida ku cad taariikh nololeedka Muxammad Ali, sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa ka saaray Maxamed Cali safka dadka oo u kaxeeyey xafiis ku yaal halkaas, isaga oo waydiiyey inuu fahmay 'dhibaatada fallka uu sameeyay'.
Muxammad Cali ayaa sheegay in uu intaas oo dhan fahmay. Kadib taliyihii halkaas joogay ayaa haddana ku dhawaaqay: 'Cassis Clay, fadlan soo bax oo ka mid noqo ciidamada Maraykanka.'
Maxamed Cali wuu diiday. Daqiiqado ka dib, Muxamed Cali ayaa u soo baxay bannaanka hore ee xarunta qorista ciidamada Mareykanka, wuxuuna warkiisa u gudbiyay saxafiyiinta.
Bayaanka ayaa lagu yiri: “Anigoo Muslim ah, waxaan diiday in la ii qoro ciidamada Mareykanka iyadoo aan eegayo damiirkeyga iyo fikirkayga.”
Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri “Waxan u malaynayaa in aqbalka qoritaankan ay la mid tahay in laga soo horjeedo qiyamkayaga diineed. Waxaan u arkaa Allaah inuu yahay kan ugu dambeeya ee u gar-qaadi kara ficillada la sameeyay anigoo eegaya dareenkayga.”
Isla maalintaas, Muxammad Cali waxaa lagala noqday shatiga feerka.
Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka ee New York Times, June 20, 1967, maxkamad ku taalla Houston ayaa Muhammad Ali ku heshay dambi ah inuu ku xad-gudbay Xeerka Tababarka iyo Adeegga Militariga ee Caalamiga ah.

Garsooraha maxkamada ayaa ku xukumay 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10,000$.
Muxamed Cali ayaa ka codsaday garsooraha in uu go’aan ka gaaro dacwadda lagu soo oogay iyada oo aan la sugin, garsooraha ayaana isla markiiba aqbalay codsigiisa.
Sida laga soo xigtay wargeyska Maraykanka, Muxammad Cali, oo 25 jir ah xilligaas, ayaa yiri, "Waxaan u mahadcelin doonaa haddii ay hadda i xukunto halkii aan sugi lahaa."
Muxamed Cali ayaa intaas ka dib laga mamnuucay feerka, waxaana afartii sano ee xigtay ay isaga iyo qareenadiisa rafcaan ka qaadanayeen xukunka.
Markii ay sii korodhay dhaleecaynta dagaalkii Vietnam, Muxammad Cali waxa uu sii waday in uu ka soo horjeesto oo jaamacadaha khudbadao ilaa lagu magacaabo geesi soo baxay oo ka soo horjeeda dagaalka.
Mid ka mid ah khudbadahaas, Muxammad Cali ayaa dadkii isugu soo baxay ku yiri: 'Waxaa la ii sheegay in aan haysto laba ikhtiyaar, in aan xabsi galo ama aan ku biiro ciidanka. Laakiin waxaan oranayay jid kale ayaa jira oo waa cadaalad.
"Anigu ciidanka ku biiri maayo, jeelkana geli maayo."
Martin Luther King Jr. ayaa sidoo kale ku ammaanay go'aanka Muxamed Cali mid ka mid ah wareysiyadii la yeeshay.
“Waxaan kala hadlay arrinkan Muxamed Cali, waxaana u malaynayaa inuu daacad yahay, sharci ahaan waa bannaan tahay in la mucaarado, waxaanan aad u taageerayaa ficilkiisa.
Maxamed Cali shatiga feerka ayaa dib loo soo celiyay 1970. Sida laga soo xigtay Washington Post.
Sannadkii 1971-kii, maxkamadda ugu sarreysa ee Maraykanka ayaa waxay laashay xukunkii Muxamed Cali, iyadoo go’aan midaysan ka qaatay.