Posts

Showing posts from April, 2024

Maxamed Cali: Markii uu xiddigan Muslimka ah xabsiga ka door biday inuu ka qeyb qaato dagaalkii Vietnam

Image
  Waxay ahayd 28-kii Abriil 1967, wax yar ka hor siddeeddii subaxnimo ayuu feeryahan Muxammad Cali yimid xarun lagu tababaro ciidammada Mareykanka 28 Abriil 2024 Waxay ahayd 28-kii Abriil 1967, wax yar ka hor siddeeddii subaxnimo ayuu feeryahan Muxammad Cali yimid xarun lagu tababaro ciidammada Mareykanka. Xilligaas dagaalkii Vietnam ayaa waxa uu marayay meel adag waxaana lagu dilay boqolaal askari oo Maraykan ah. Intaa kaliya kuma eka ee dad careysan ayaa gubayay warqadaha loo diray ciidamada Mareykanka, iyadoo dad badan oo ka soo horjeeday askareynta ay sidoo kale u qaxayeen Canada. Feeryahan Muxamed Cali ayaan wax niyad ah u hayn in uu u baxsado Kanada, mana uusan jeclayn in uu ka mid noqdo Ciidanka Maraykanka. Laba sano ka hor xilligaas, Muxammad Cali waxa uu waraysi uu kaga hadlay dagaalka ka socda Vietnam ku yiri “damiirkaygu ma ogola in aan toogto walaalaheyga masaakiinta ah iyo kuwa gaajeysan ee midabka qamadiga leh ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Maraykanka awooda badan”....

Dalka uu baraku ka qaalisanyahay rootiga iyo caanaha iyo kuleyl loogu dhintay

Image
  Dalka Mali oo dhaca qaaradda Afrika ayaa waxaa soo wajahay kulayl aad u heersarreeya, taasoo keentay in qeybo ka mid ah dalkaasi uu qiimaha barafka suuqyada ka noqday mid ka sarreeya kan rootiga iyo caanaha. Korontada oo qaali ah iyo talaajado la'aan awgeed, waxay isticmaalaan barafka la xir-xiro. Laakiin habkani wuxuu sidoo kale shaqeeyaa ilaa xad, laakiin kor u kaca qiimaha ayaa xaaladda ka dhigaya mid aad u adag. Xaaladdan ayaa barafka ka dhigtay mid ka qaalisan rootiga. Rootiga caadiga ah waa 250 faran halka barafku uu yahay 300 ilaa 500 lacaga maxalliga ah ee dalkaasi laga isticmaalo. Dhibaatadu waxay soo bilaabatay sanad ka hor markii shirkadda Korontada ee dowladda Mali ay ku guuldareysatay inay daboosho baahida sii kordheysa kadib markii lagu yeeshay balaayiin doolar oo deyn ah sanadihii ugu dambeeyay. Koronto la’aantu waxay la macno tahay marawaxado la’aan habeenkii, taasoo dad badan ku khasabta inay seexdaan meel ka baxsan guryahooda. Tan iyo bishii Maarso, heerkulka qa...